X

Wasiirka koowaad oo socdaal waqti lumisa ku tagaya Ingiriiska

Wasiirka koowaad ee Somaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa socdaal waqti lumisa ku tageya Ingiriiska halkaas oo la sheegay in lagu qabanayo shir ku saabsan waxbarashada. Somaliya ayaa lahayn waxbarasho xora oo soo saari karta jiil aqoonleh.

”Waxa caruurteena loo dhigaa aqoon laga soo guuriyay reer galbeedka oo wadamada qaar hadda lagu daray in la aqoonsado khaniiska iyo ninow naaga ayuu yiri Cali Culusow.


”Iima muuqdo xilligan in wasiirka koowaad uu safaro ugu baxo dalka dibediisa weliba arin aan sidaa muhiim ugu ahayn oo ay dhici karto inuu dalka u horseedo arin halis ku ah diinta iyo dhaqanka ayuu raaciyay Cali Calasow

Shirka uu ka qayb galayo waxa si wadajira u qabanaya Kiiniya iyo Ingiriiska, lacagta la sheegayo in la bixinaayo ayaa lagu xiri doonaa inay qayb ku lahaadeen danaha Ingiriiska iyo kan ururkaba.


Wasiirka koowaad ayaa dalka yimi xilli ku jiro kala guur oo hawsha inteeda badan la dhameeyay laakiin ugu dambeyntii ay hor istaageen kooxda Xalane iyo shisheeyaha ay wataan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.