Thursday, April 25th, 2024
header










Meta







Golaha shacabka ma yahay goob looga hadli karo sirta qaranka iyo buuq jirey maanta

Waxa duhurnimadii maanta la isugu yimi golaha shacabka ee magaalada Muqdisho si ay u dhegeystaan warbixin ay dhiibi lahaayeen laamaha amniga xilli argagixisada iyo kuwa taageera ay qaraxyada iyo xasuuqyada sii kordhiyeen.

Waxa dibedda golaha looga saaray waxa loogu yeero saxaafada oo la ogyahay in boqolkiiba 60 u ashaqeeyaan argagixisada kooxda gaalaynta ee shabaab qaasatan inta ku sugan Muqdisho.



Waxa kale oo la ogyahay in boqolkiiba 25 inta ku jirta golaha shacabka ay u shaqeeyaan argagixisada ama qabaan fikrada dawlad diidka iyo kala dambeyn la’aanta, qaarkoodna sirta qaranka u gudbiyaan cadowyada badan ee dalka.

Hadaba gole sidaasa ma lagu aamini karaa in looga hadlo sirta qaranka ee la dagaalanka argagixisada xalaashatey dhiiga Muslimiinta ayadoo ay fadhiyaan kuwii wax laga sheegaayay.



” Ama run sheeg ama ha sheegin golaha barlamaanka Muqdisho maaha gole sir qaran looga hadli karo. Somaliya sir qaran maleh waa dal qaawan oo cadowgeedu fadhiyo meelkasta ayuu yiri Xuseen Gacalow oo ah ruug cadaa ka faalooda arimaha Somaliya.

Ani waxaan dawlada iyo inta u daacada dalka inuu xasilooni helo cadowgeedana jabiyo rabto kula talin lahaa, inta la helayo caasimad qaran iima muuqato dal degaayo, waxayba maraysaa anaa dhulka leh ayuu raaciyay Xuseen Gacalow oo Muqdisho jooga weligiina meel uga bixin.



Sir qaran haday jirtana haku ekeeto inta ku shaqada leh waana sida kaliya ee cadowga looga adkaan helo xilli argagixisadu iyo kuwas u shaqeeuya ay meelkasta miino dhigeen si ay u dhahaan dawladu ma shaqayn karto.

Waa talaabo u adeegaysa dantooda guud oo ah in Somalioya ka bixin fowdo noqotana meel ay gabaad ka dhitaan weligood. Waxa fikir sidaasa ay la wadaagaan cadowyada hore ee qaranku lahaa.

Fadhigii maanta ayaa waxa arbushey tiro aad u yar oo lagu tilmaamey inay u adeegayaan argagixisada.

Bal hoosta ka dhegeyso wasiir waxbarashada Goodax oo aan waxba u qarin kuwa ku jira barlamaanka ee la jira argagixisada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...