X

Golaha wasiirada ee Cabi Axmed oo la ansixiyay iyo hal wasaarad oo Somalidu

Golaha wasaarada ee uu magacaabay Cabi Axmed ayaa la ansixiyay maanta. Waxana Soamlida ugu jira Axmed Shide oo ah wasiirka dhaqaalaha. Jagadan oo aad u muhiima oo ah halka dalka laga kala wado.


Welli lama magacaabin wasiir ku xigeenada iyo weliba agaasimeyaasha dawlada inteeda kale taas o la filayo in la magacaabo isla beri. Dawladii hore ayaa Somalidu ku lahayd laba wasiir halka midan ay heleen hal wasiir.


Waxa wasiiradan kala badh ay yihiin haween ayadoo wasiirada badankooda ay yihiin Muslimiin xitaa raiisal wasaare ku xigeenka iyo weliba wasiirka arimaha dibedda oo ah Axmaar Muslima.


Waxa durba soo dhaweeyay dawlada cusub safiirka Ruushka u jooga Itoobiya oo sheegay inay muhiim tahay in dalku hore u socda. Ruushka ayaa la filayaa inuu la saxixdo Itoobiya mashaariic maalgeshi.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.