X

Guddiga khilaafaadka doorashooyinka oo ka nixisay Kiiniya

Kadib lacag saaida oo Kiiniya uga baxday sidii ay ku boobi lahayd kuraasta taala gobolka Gedo ayaa guddiga khilaafaadka ay soo saartey war naxdin ku ah Kiiniya iyo Axmed Madoobaha ay wadato.


Warka naxdinta ku ah Kiiniya ee guddiga khilaafaadku soo saaray ayaa sidan u qornaa:

ā€¯Guudiga khilaafaadku wuxuu cadaynayaa inaan waxba ka jirin doorashooyinka ka kala socda xerada ciidanka Kiiniya ee Ceel-Waaq iyo Garbahaaray. Waa ta koowaade tan ka socota xerada ciidanka Kiiniya ee Ceel-Waaq waxay baalmarsan tahay heshiis ay saxiixeen labada barlamaan ee dalka laguna gaaray Sibtambar 17 halka tan Garbahaaray ka socota aysan haysan ansixinta maamulka Jubba iyo guddiga dhexe ee doorashada oo wada socda.


Sidaas darteed guddiga khilaafaadku kuma jiro doorashooyinkaas isbarbar socda ilaa la marayo wadadii saxda ahayd ee ay ku noqon lahaayeen sharci. Wuxuuna ku baaqayaa in lagu soo noqdo wadada saxda ah.



Hadalka guddiga ayaa naxdin ku ah Kiiniya oo xeradeeda u dhow Ceel-Waaq ku qabsatay doorasho buga lacag farabadana uga baxday ciyaala suuq laga soo aruuriyay Kiiniya oo noqdey ergada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.