Tuesday, April 23rd, 2024
header










Meta







Guddiga dawlada Somaliya u saartey xajka oo war soo saaray

Waxa in muddo ahba jirey arimo murgan o la xiriira sida loo maamulayo xajka maadaama ayna jirin diyaarad Somaliyeed oo xujaajta toos u geysa xaramka.

Hadaba war ka soo baxay guddi dhawaan ay magacowday xukuumadda Soomaaliya ee arrimaha Xajka ayaa soo saaray tirada Xujeyda sanadkan loo ogolaaday Soomaaliya ee tagaya Xajka.



Suldaan Cabdi Qani Qorane oo ka mid ah xubnaha guddiga oo warbaahinta u akhriyay qoraalka ka soo baxay guddiga ayaa sheegay in tirada Somaalida ee sanadkan loo ogolaaday in ay tagaan Xajka ay gaarayaan 11,500 ruux.

Waxaa kaloo uu intaa ku daray in 3-dii Bishan ay xukuumaddu go’aamisay in Shirkadaha ka qeyb galaya tartanka inay ku Shaqeeyaan nidaamka Xablooyinka oo hoostagaya marsada ayna ka qeyb galaan tartan furan oo loo siman yahay.



Waxaa uu intaa ku darray islamarkaana uu ka hadlay qodob ay ka walacsanaayeem Xujeyda oo ah qiimaha,waxaana uu sheegay in qiimaha Xajka ee sanadkaan uu yahay $3600 oo dollar halka qiimaha ugu sareeya ay tahay 5,000 oo Dollar.

Ugu danbeyntii waxaa uu sheegay in tartankii la galay ee shirkadaha ay ku guuleysteen 58 shirkadood isaga oo soo bandhigay Magacyada Shirkadaha diyaaradaha ee guuleystay.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...