Thursday, May 9th, 2024
header










Meta







Gudigii aqalka sare ee xal u gelida mooshinka Jawaari oo kala tagey

Gudigii aqalka sare ee xal u helida mooshinkii laga keenay Jawaari ayaa lagu dhawaaqay in la kala direy ama burburtey.

Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), xildhibaan Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo Senator Maxamuud Axmed Maxamuud (Mshruuc) oo xubno ka ahaa Gudiga Aqalka Sare u xilsaaray xalinta khilaafka soo kala dhexgalay Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay iska casileen guddigaasi.



Senataradan ayaa sheegay is casilaadooda in ay u gudbiyeen Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi C/laahi, oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Guddiga Aqalka Sare ee xal u raadinta khilaafka Golaha Shacabka, uuna ka aqbalay.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa maanta guddiga joogtada waxa uu kaga hor dhawaaqay in ay istaagtay oo ay dhamaatay shaqadii Guddiga Aqalka Sare ee xal u raadinta khilaafka Golaha Shacabka, sidaasina lagu kala diray Guddiga joogtada ah.



“Waxaan ummada Soomaaliyeed la wadaageynaa in aan maanta Guddiga joogtada Aqalka Sare aan u gudbinay is casilaad rasmi ah oo ku aadaneyd xubinimadii aanu ka aheyn Guddiga Aqalka Sare u xil saaray xalinta khilaafka soo kale dhexgalay Golaha Shacabka, waxaan u mahadcelineynaa Guddoomiye Cabdin Xaashi oo codsigeena naga aqbalay.” Ayay ku yiraahdeen war qoraal ah oo ay soo saareen xubnahan.



Guddiga Aqalka Sare ee horey loogu xilsaaray xalinta khilaafaadka Golaha Shacabka ayaa waxa ay tiro ahaan gaarayeen ilaa 7 xubnood, kuwaasi oo kala ahaa Cabdi Xaashi C/laahi –(Guddoomiye), Mowliid Xuseen Ducaale –(Xubin), Zamzam Ibraahim Cali –(Xubin), Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid -(Xubin), Maxamuud Axmed Mashruuc –(Xubin), Maxamed Amiin Sheekh Cismaan –(Xubin) iyo Muxyadiin Sh. Cali Jaamac –(Xubin).

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...