20/04/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Gudoomiyaha balamaanka oo baaris ku bilaabay lacag loo keydin jirey xildhibaanada

Gudoomiyaha balamaanka oo baaris ku bilaabay lacag loo keydin jirey xildhibaanada. Lacagtaan uu sheegay in guddoomiyaha uu baarayo ayaa ah lacag bil walbo laga jari jiray Xildhibaanada oo ah 100 doolar bil walbo.

Guddoomiyaha ayaa Xildhibaanada ka codsaday in ay fursad siiyaan isla markaana uu soo baarayo ka dibna uu Golaha Shacabka la wadaagayo.





Waxa uu sheegay in uusan aqbali doonin in gudaha golaha uu ka dhaco isdaba marin iyo musuq maasuq soona cadeyn doono lacagaha maqan halka lagu bixiyay.




Shalay ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay shaki geliyeen halka ay ku baxday lacag gaareyso afar boqo iyo afartan kun oo doolar oo gudaha golaha ku maqan tahay.

Xildhibaanada ayaa guddoonka ka dalbaday in la soo cadeeyo halka ay ku baxeen lacagaasi iyo sida loo maamulay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS