X

Nin ku qufacay sarkaal booliisa oo jeelka loo taxaabay Holan

Booliiska dalkaasi Holan ayaa baacsaday nin dhalinyaro ah oo si xawaare waalana oo weliba jeesjeesa ku dhexmaray wadooyinka magaalo ku yaal dalkaasi Holan. Wuxuu diidey in laga baaro inuu cabsan yahay kadibna wuxuu ku qufacay wejiga booliiska joojiyay asagoo leh “waxaan qabaa hargabka Shiinaha ee adna hoo.


Waxa markiiba la saaray gaari booliisa waxana loola cararay dhaqtar halkaas oo la sheegay baadhid kadib in laga waayay cudurka hargabka Shiinaha. Booliiska ayaa loo sheegay inuu is takooro 7 cisho.


Talaabadan ninkan ayaa sii kordhinaysa walaaca booliisku ka qabo dadka ay qabtaan iyo kuwa ku jira jeelasha, oo welli aan la sii deyn. Dalka Holan oo cunsuriyadu ku badan tahay ayaa sheegay in dhimashada hargabku gaarayso 106 qof.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.