15/04/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Gudoomiyaha maxkamada Hargeysa oo ka hadlay tirada caruurta ee la tuurey

Gudoomiyaha maxkamada magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay tirada caruurta ee la tuurey sanadkii hore ee hadda la geeyay xarumaha agoomaha ee hay’adaha iyo maamulku iska kaashadaan xanaanayntooda.



Guddoomiyaha oo  ka warbixinayey kiisaskii sannadkii dhammaaday maxkamadda uu masuulka ka yahay soo maray, ayaa sheegay in sanadkaas la tuuray ubad tiradoodu gaadhay 81- carruur ah.



Caruurtaas ayaa hooyooyinkii dhalay iska soo tuureen isla-markaana hadda maamulka iyo hay'aduhu la wareegeen.

Guddoomiyaha, isaga oo arrimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi,“carruuraha agoomaha ee sanadkii 2016-kii ay maxkamadda degmadu geysay xarumaha agoomaha ee lagu xannaaneeyaa waxa ay ahaayeen 81-ubad ah oo caruurtii meelahaas lagu tuuray ahayd, kadibna daryeelkooda ay masuul ka yihiin sida uu sheegayo qoddobka 19-aad ee distoorka maamulka Somaliland.”



Isaga oo hadalkiisa sii wata guddoomiyuhu waxa uu tilmaamay in ubadkaas dhammaantood baadhitaan dheer kadib la ogaaday in hooyooyinkii dhalay ka maarmeen, isla-markaana noloshooda halis geliyeen.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS