X

Gudoomiyaha waxa loo yeero aqalka sare oo laga celiyay garoonka Muqdisho

Gudoomiyaha waxa loo yeero aqalka sare ayaa laga celiyay garoonka Muqdisho. Gudoomiye Cabdi Xaashi aya la sheegay in xilliga uu dhoofayay uu watey ciidan ilsaalo u ah.

Xildhibaanada Aqalka Sare oo goordhow kulan deg deg ah isuyimid ayaa Cambaareeyay falka lagula dhaqmay Madaxda Aqalka Sare.



Ka dib dadaal dheer oo ay muujiyeen xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ugu dambeyntii waxa ay ku guuleysteen in gudoomiyaha la siidaayo oo uu dalka ka dhoofo.



Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad ayaa cambaareeyay falka lagula dhaqmay Gudoomiyaha Aqalka Sare, waxaana uu sheegay in ay qaadi doonaan tilaabooyin arintaasi wax looga qabanaayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.