X

Gudoomiyaha xidigaha geeska oo cambaareeyay xadhigii wuxuushnimo ee loo gaystay fanaaniinta xidigaha iyo SIILAANYO uma shaqayno

Gudoomiyaha fanaaniinta xidigaha geeska ayaa Hargeysa ku soo laabtey kadib socdaalo ay ku tageen Nayroobi iyo Muqdisho. Ilaa hadda lama garanayo cida bixisay in fanaaniinta oo danahooda wata lagu xiro Hargeysa oo ay degan yihiin. Warar la helayo ayaa sheegaya in fanaaniintu diideen in ay bixiyaan baad maadaama lagu tuhmayo lacag taasina ay keentay xadhigooda. Tan kale ayaa iyadna sheegaysa in loo xiray calankii ay huwatay fanaanada Xamda Queen oo ah fanaanad qaran oo ka madax banana calamada maamul jufeedyada.

Siilaanyo oo aan isagu waxba ka ogeyn arimahan ay ku kacayaan kooxdan ku adeegata magaciisa ayaa socdaal u baxay…wuxuuna ku ogaan karaa kaliya marka dalka uu tagayo uu u sheego in ay xadgudbayaan xuquuqda dadka oo ay ku jirto fanaaniinta oo siyaasad ka banaan.

Gudomiyaha xidigaha ayaa beeniyay in uu Siilaanyo mishahar ka qaato oo kooxdu yihiin kuwo iskood isugu tagey oo XORA.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.