X

Warar sheegaya in magafihii Somalida ku dhibey jidka Liibiya la dilay isaga iyo kuwo kale

Nin Somalidu u bixisay Magafe oo Somalida ku dhibey kuna kufsaday goob saxare ah oo uu lacag kaga urursan jirey ayaa lagu soo waramayaa in la dilay ayna dileen isla koox kale oo ay wada shaqaynayeen. Salah al-Maskhout oo ay soomaalida u taqaan “Ma gafe” islamarkaana dalka Libya ka tahriibiya dadka u socda qaaradda Yurub ayaa maalinimadii Jimcaha howlgal ka dhacay dalkaasi lagu dilay isaga iyo sideed kale oo asxaabtiisa ah.

al-Maskhout ayay wararku sheegayaan in marki la dilayay uu “indha-indheynayay” wado cusub oo dadka tahriibka la marsiiyo maadaama wadooyinkii hore ay fashilmeen.

Warar la isla dhex marayo magaalada Tripoli, caasimadda dalka Libya ayaa sheegaya in howlgalka lagu qaaday ninkan iyo kooxdiisa ay fuliyeen xoogag ajaanib ah oo aan heybtooda la garan.

 Dowladda Talyaaniga oo ninkani uu tahriibayaal badan dalkeeda u xawilay ayaa sheegtay in al-Maskhout uu howlgalkan ku dhintay balse dad qaraabadiisa ah waxa ay sheegeen in uu ka bad-baaday.

 Maskhout ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeday magaalo xeebeedka Zuwara, waxaana uu magaciisa soo shaac baxay kadib markii uu qabsaday suuqa tahriibka dalka Libya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.