X

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Somaliya oo la doortey

Gudoomiye Ku xigeenkii labaad ee Baarlamaankii waqtigiisa dhamaaday ayaa maanta markale kusoo baxay xubinnimada aqalka hoose ee dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo Xasan Maxamed Nur  ayaa ku tartamay xubinnimada Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya waxayna kala heleen Mahad Cadbadala cawad oo 50 cod helay iyo Xasan Maxamed Nuur oo hal cod helay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban oo doorashada goob joog ka ahaa ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii maanta ka dhacday magaalada muqdisho.

Dadka qaar ayaa is waydiinaya in doorashadan wakhti badan ku lumay aanay waxba ka duwanayn tii lagu doortey Xasan Sheekh oo ay dhici karto in Xasan Sheekh soo noqdio mar labaad.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.