X

Guulaha aan la dafiri karin ee dawlada Farmaajo iyo Xasan

Ayadoo ay maqan yihiin mucaarad saxa oo dibedda u soo saara nuqsaanta dawlada  aan ka ahayn inay dano shisheeye u adeegtaan sida ku doodida federaal oo aan la garanayn wuxuu yahay, haddana noqdey meel gaaladu Ka soo gasho siyaasada dalka, waxaan Ku qasbanahay inaan Ka hadlo guulaha Farmaajo iyo Xasan.


Siyaasad aan hore loo arag mudooyinkii dambe

Waxa u dambeeyay maleeshiyo ay Kiiniya wadatey oo wadada la saarey, waxana xusid mudan in xilligii doorashadii Axmed Madoobe ay Kiiniya dagaal u gashay, baacsigaa kadibna Farmaajo la hadley Uhuru. Jawaabta uu bixiyayna ay ahahyd nabada aan xoojino oo ay ku xigtey wasiirkeeda arimaha gudaha oo ay dalka u soo dirto.


Waxay muujinaysaa in Somaliya ayadoo wax la’aana oo gaalo iyo argagixiso Ku fadhido haddana amarkeeda fushan karto. Waana wax aan hore u jirin oo lala kowsaday dawlada Farmaajo iyo Xasan.

Waxa hore u dhacay oo cid ku fikiraysay aanay jirin in Abuu-Mansuur maalin cad la soo silsiladeeyo. Dhusamareeb in culimada Ahlu sunna ayagoo gacan haadinaya aayar uga baxaan maamulna loo dhiso.


Intaas waxaa dheer in ergaygii QM ee  Soomaaliya oo kibir iyo yasid Ku  bilaabay dawladabiyo shacabka duhur cad diyaarad looga saaro dalka halka Mahiga uu federaalka qotomiyay asagoo wata Suma Walla Sheekh Shariif iyo Faroole oo dastuurka Ku darsadey “dawladaha xubinta Ka ah dawlada federaalka.


Qormadan uguma taligelin inaan amaan siiyo meel aan mudnayn laakiin geesinimo lagu yaqaanay Somalida hadayna sidaas dhicina dalku weligiis caado qaatayaal ayuu hoos fadhiyi.

Waxa xusid mudan ilaa dalku helo awood uu ku fuliyo amarada dawlada in weligeed dawladi hanaqaadeyn, waana guulaha amni ee aan la dafiri karin.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.