X

Guurka khariban iyo dooda hablaha geeska

Waxaan maalin dhawayd beer caruurta lagu ciyaarsiiyo kula kulmay, gabadh hooyo soomaaliyeed ah, wadata labo wiil oo yaryar.

Saas ayeey noo eegtay, oo durba nolosha Qoyskeeda nooga dhacday: Waxaan ahaa, bay tiri, hablahii boostada la soo dhigay oo lagu daray nin ay ehel yihiin, laakiin aanan aqoon iyo niyad midna u hayn.


Halkan markaan ugu imi, waxuu ila dejiyey walaashii, waa dumar iyo caadadood e durba waan isku dhacnay, xiriirkeenii isaga iyo aniga ayeey saamaysay arintii.

Afar carruur ah ayaan u dhalay, waan kala tagnay ugu dambayna maxakamadda ayaa carruurtii iga qaaday isagaana lagu warreejiyey. Hadda hal xaafad ayaan ku wada noolnahay mase arko carruurtayda.


Waxay tiri, iyadoo sii wadda hadalka, hadda waxaa i qaba wiil aan markii horeba isjeclayn oo markuu maqlay, in aan ninkii kala tagnay boostada lay soo dhigay afaaro qabiil, I soo raadiyey. Labadan wiil isagaa dhalay, ilmahii 3aad ayaan hadda caloosha ku sidaa.


Sheekada inta ay noo waday, waxay muujinaysay dareen shalay ka muuqdo in dambi kastoo qabiil loogu geystay haddana haddii ay aqoonteeda iyo garaadkeeda leedahay carruurteeda iyo qoyskeeda badbaadsan lahayd, sida ay tiri; ma dhib yara caruuraha aabayaasha kala duwan, waloow uu wiilkan i qabaa yahay nin wanaagsan.

Samsam Cilmi Shabeel


admin:

This website uses cookies.