X

Muqdisho caasimad ka badan miyaa ka maqan: U KUURGAL

Waxa inta badan soo noqnoqda Muqdisho matalaad ayay rabtaa laakiin waxaad is weydiin kartaa Muqdisho caasimadii Somaliya ka badan miyaa ka maqan. Waxa qayladan aan balaarneyd inta nadan wata koox yar oo sheegata magaca Hawiye.


Waxaad marka hore is weydiin kartaa kooxdan halkey jireen markii Hawiye looga cararay Muqdisho ee xataa ay bililiqaysteen xarkihii korontada ee qaranku lahaa.

Haddii aniga oo ah Hawiye wax la iga weydiiyo arinta Muqdisho waxaan oran lahaa Somalidu way mahadsan tahay mar hadday mar kale fursad noo siiyeen in Muqdisho ku soo laabtaan ayna ogolaadeen wixii aan samaynay kadib inay caasimad nagu aaminaan ayuu yiri Cali Calasow. Soo noqodkiina waxa noogu dhasha caruur habeen walba halka deegaanada maran yihiin.


Haddaba buuqu xaguu ka yimi” waxa iskudirka keenay dastuur dhoodhoob lagu sheegay federaal oo gaalo noo qortey oo jufo kasta u fasiratay sidey rabto. Hawiyana ka mid yahay kuwa iyaguna fasirtey, dalkana ka soo noqdey madax ha noqdaan kuwi ugu liitey ee soo maree.

Waxayna rabaan in dastuurkaas la socodsiiyo xilli dalku qaadi karin toboneeyo madaxweyne oo ujeedada ka dambeysa ay tahay in dalku weligii degin uuna helina dawlad xoogleh ayuu yiri Cali Calasow.


Hantida qaranka oo dhan ayaa la soo marsiiyaa Muqdisho dadka ugu badan ee hanytidaas gacanta u gasho waa anaga oo Hawiye marka ma arko caasimad wax badan inaan helno.

Xildhibaanada Hawiye waxay ka soo galaan barlamaanka dalka maamul jufeedyada Hirshabeele iyo Galmudug oo ay ka yihiin kuwa ugu badan, dadka kalana ku dulman yihiin, markaa aniga iyo Somalida kalaba nooma muuqato wax kale oo Hawiye ka maqan ayagoo weliba dulmigaas noogu samrey ayuu raaciyay Cali Calasow.


Haddii maamul ka badan ka hadda jira loo sameeyo Muqdisho waxay Meesha ka saaraysaa oo khatar ku tahay magaca ka weyn ee caasimada dalka oo ah magalo jufo sheegan Karin. Haddii kale waxa qasaba in Somalidu raadsato ama dhisato caasimad cusub oo Somalida u dhaxaysa, hadday ku socotana kama fursanayso ayuu yiri Xuseen Warsame oo Hargeysa jooga.


Waa in aan anigu gudoomiyaha Muqdisho noqon karaa haddii taasi dhicina Muqdisho ma noqon karto caasimad. Waxaad maqlaysaa dad iyagu wadamo kale tusale u soo qaata, waxaan weydiin karaa federal oo gaalo noo keentay ayaa dagaal ka jiraa haddana ma gudaheenii ayaan gaalo tusaale ka dhiganaa ayuu raaciyay Xuseen Warsame.

Warbixintii C/llahi Warmooge

Hadaad dood kale qabto ka qayb qaado oo iimayl noogu soo dir araabimedia@gmail.com ama faysbook.

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.