Sunday, June 2nd, 2024
header










Meta







Hadalo kala duwan oo ka soo baxay kulanka madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru

Madaxweynaha Somaliya ayaa la kulmey dhigiisa Kiiniya Uhuru waxana soo baxay war murtiyeed iska hor imaanaya oo qaasatan Ku saabsan arinta baddeena ee Kiiniya rabto inay si qarsoodiya oo Ka baxsan sida hadda u socdaan lagu xaliyo.



Wasiirka arimaha dibedda ee Kiiniya ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo aqbalay in arinta badda lagu xaliyo si labada wadanba Ku qanacsan yihiin taas oo dhalisay jahwareer iyo waxa loola jeedo.

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru ayaa dhinaca kale haddana isku raacay in markale loo soo dib celiyo in rakaabka Somaliyeed ee ka imaanaya dalka ay toos uga degaan Nayroobi halkii Kiiniya Ku qasbi jirtey inay marka hore soo markaan Wajeer.



Waxay kaloo markale isku raaceen in la sii wado dabargoynta argagixisada Shabaab ee Kiiniya hadda la jirto. Waxa la sugayaa heshiiska cusub oo dhamaystiran. Waxayse u muuqataa inay ku qancinayso Kiiniyaanka ayuu yiri Cali Calasow.



Madaxweynaha ayaa xaqiijay in is fahamka cusub aanu waxba u dhimi doonin arinta badda ee hadda hortaala maxkamada, loose baahan yahay in la fasiro warka wasiirada arimaha dibedda ee Kiiniya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...