Haddii Berbera laydiin diidey taga Lughaya iyo Saylac: Wasiir Hadliye oo ka gilgilshey dhacdadii Berbera+MAQAL
Dubai–Wasiirka arimaha dibeda Somaliya Dr C/salaam Hadliye ayaa si adag uga hadlay dhacdadii foosha xumeyd ee dad Somaliya loo diidey in dalkooda yimaadaan halka kuwa haysta Hargeysa badankoodu ku dhiiban yihiin dadkan Somali Koofureedka ee ay lacag iyo siyaasad kaga rabaan dawlada dhexe. Wasiir Hadliye oo waraysi bixiyay ayaa sheegay in dadka Berbera yimi aanay imanin dal shsheeye ayse yimaadeen dalkoodii hooyo.