Tuesday, April 23rd, 2024
header










Meta







Halista ay gelin karaan dalka kuwii badda gadey dastuur gaalana u keenay: WARBIXIN

Waxa maanta magaalada Muqdisho ku shirey horjoogeyaasha ururo magac Somaliyeed la baxay oo intooda badan aan ku jirin nidaam xisbiyeed saxa laakiin horjoogeyaashoodu hore dalka ugu rideen hog ilaa hadda laga soo bixi kari la’yahay.



” Waxaa welli niyadeyda ku jira mugdigii dalkani ku jirey markii fadhiid Shariif sh Axmed iyo Shariif Xasan maamulayeen iyo hogii ay dalkan geliyeen, waxa ii soo raaca sidii fududeyd ee badda loo gatey ayuu yiri Cali Calasow.

Waxaan weliba xasuustaa sida dastuurkii qaranka ciida loogu daray ee loogu bedelay mid gaaladu wadato oo dhaqankeena iyo diinteena weerar cad Ku ah ayuu raaciyay. Hadda waxa dastuurkaas ansixiyay qodobada ugu gaalaysnaa Xasan Cali Kheyre inkastoo haweenay la eryanaayay.



Waxaan xasuustaa sidii dalkan loogu jeexay Jufo Jufo ee loo hirgeliyay goboleysi jufeysan weliba la rabo in dadkii Somaliyeed la yiraa xad ayaad kala leedihiin. Weynu ognahay kii xilligiisa waxaas hirgeliyay.

Inta sawirka hoose iiga muuqata waxa ku jira ku buuxsi Jufo ahaaneed laakiin waxaan shaki iiga jirin akhristow cida maalgelinaysa iyo hantidii qaranka oo lagu dheelayo.



Waxaan ku niyad samahay in hore isku soo sharaxeen laakiin biyaha la raaciyay, haddana biyaha la raacin doono waayo xildhibaano dhowr ah mooyee inta badan waxa soo noqonaya kuwa hadda jooga maadaama lacagta iyagu haystaan iyo odayaasha xulaya.

Somaliya waxay rabtaa hogaan xalaala oo dadkan iyo dalkan jiheeya. Ma odhan karo Farmaajo wax badan ayuu qabtey laakiin ugu yaraan waxaad dareemi kartaa in Somaliya aan lagu socon karin inkastoo bilihii u dambeeyay xukunkiisa si fiican looga adkaadey oo dib loogu celiyay wadadii fadhiid Xasan Sheekh.



Waxaadse waxaas oo dhan ku ilaabi kartaa waxa taagan markaad aragto in Somali ahaan aan nasiib xunahay ilaa haddana uu Farajkii Rabi welli inoo maqan yahay hogaan ahaan oo ah halka aan ka liidano.

Warbixintii C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS



Readers Comments (0)




Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...