Friday, April 26th, 2024
header










Meta







Halista fikirka Wahaabiyada ?

Soddonkii sano ee u dambeeyay waxaa gayiga soomaaliyeed si xoog leh ugu faafayay afkaarta sumaysan ee wahaabiyada, meeshii ay saldhigtaba waxaa ka dhalanaayay khilaaf diimeed iyo burbur akhlaaqeed, dibudhac iyo dagaallo.



Waxay gelisay soomaaliya burbur, waxayna galaafatay arwaaxda kumanaan kun oo ku nafwaayay weerarada ururada wahaabiyada argagixisada ah, nasiib darro bulshada Soomaaliyeed waxay moodi jireen dad culimo ah oo diin faafinaya ilaa wajigoodii dhabta ahaa uu soo baxay markii la arkay qaraxyada ismiidaaminta ah ee ay ku beegsanayaan xarumaha dadku isugu yimaaddo iyo xarumaha dawladda.



Kolkaas ayay waxgaradku garawsadeen in wahaabiyiintu ay yihiin cadaw ma naxaan ah. fikirka wahaabismku wuxuu ka billowdaa gaalaynta bulshada wuxuuna ku dhammaadaa isku qarxinta bulshada.

Sidee u fikiraa shakhsiga wahaabiga ah?



Qof kasta oo lagu tallaalo fikirka qaldan ee argagixisada wahaabiyada iyadoo looga dhigayo Diintii saxda ahayd waxaa ku dhalanaya naftiisa isbedel aragtiyeed,waxaana ka mid ah isbedelladaas kuwan soo socda:

1.Isla-toosnaan, wuxuu isu arkaa inuu yahay ka dadka ugu qumman ee ugu toosan sidaas darteedna ma aqbalayo wada-hadal ku saabsan aaminaaddiisa, qofkii isku daya inuu u caqli celiyo, wuxuu ugu jawaabi hadalo horay maskaxdiisa loogu biroogiraamiyay kuwaasoo ay ka mid yihiin: “Diintu caqli ma’aha, caqlaani baad tahay” isagoo aasaya garaadka Ilaahay kaga fadilay aadamaha uunka intiisa kale.

2.wuxuu isu arkayaa isaga iyo kooxdiisu inay yihiin kuwo kaliya ee Ilaahay yaqaana caalamkan inta ku nool.

3. Bulshada inteeda kale – taniyo waalidiintii dhalay- wuxuu u arkayaa inay yihiin ahlu-dalaal baadi cad ku sugan ahna mushrikiin ka leexday Manhajka Ilaahay.

4. wuxuu isu qaadanayaa inuu isagu wakiil Ilaahay uga yahay diinta iyo dadka, islamarkaana masuul ka yahay hirgalinta manhaka Rabbi.



5.wuxuu u arkayaa bulshada aragtidiisa aan haysan ee macaaradsan inay yihiin cadawga Ilaahay iyo Rasuulkiisa, ayna waajib ku tahay inuu ladagaallamo/la jihaado cadawga Ilaahay iyo Rasuulkiisa.

6. waxaa qalbigiisa ku dhalanaya kolkaas Cuqdad iyo colaad wayn taasoo uu u qabo bulshada uu la nool yahay isagoo u arka cuqdadan iyo colaaddan inay tahay Ilaahay dartii ( fii sabiilillaah) ajarna ku helaayo.



7. kaddib wuxuu ku kacayaa inuu jaro xidhiidhkii bulshada, wuxuuna ugu horraynba goynayaa xidhiidhintii qaraabada, gacalka, jaarka, tolka, macaarifta iyo guud ahaanba aadamaha. sidaas darteed, wuxuu ka soo hojeedsanayaa oo uu diidayaa wax u tarka iyo wanaag ugu fikirka aadamaha.

8. wuxuu ku tallaabsanayaa dadka aan aragtidiisa aaminsanayn inuu u gaysto dhammaan noocyada xadgudubka, sida inuu ka saaro diinta, taasoo uga dhigan wadada uu u marayo daadinta dhiigooda iyo dhaca maalkooda isagoo aamin inay Ilaahy u xalaaleey xagiisana ugu dhawaanayo.



9. intaas dabadeed, wuxuu isu diyaarinayaa Jihaad isagoo ka damacsan labo arrimood; midda koowaad inuu qaniimaysto hantidooda addoonsadana dumarkooda si uu u buuxiyo baahiyihiisa dhanka caloosha iyo farjiga.

Wuxuuna ku biirayaa mid ka mid ah ururada wahaabiyada ee argagixisada ah sida Alshabab, Daacish, boko xaraam iwm. Midda labaadna inuu ku janno tago dhiigooda sida ay ugu fatwoodaan culimada wahaabiyiinta xubnaha ururadooda hubaysan iyagoo ku dhaha: haddaad adduunyo rabto Jihaadka u kac, haddaad janno rabtana Jihaadka u kac.

Haddaba bulshada uu shakhsigaasi ku dhax nool yahay ma heli kartaa xasillooni, nabadgalyo iyo horumar ? miyuusan shakhsigaasi ka dhignayn Libaax hamuumsan kaasoo dhiig xoolaad u hillaacayo islamarkaasna isha ku haya xoolihii oo daaqaya ? miyuu dayn karaa ?



Soomaalidu waxay horay ugu maahmaaday: ‘Xero bahal ku jiro xoolo kuma dhaqmaan’ sidoo kale meel wahaabiyo joogto way adag tahay in nabad lagu seexdo, horumar iyo dawladnimana ka hanaqaadaan.

Qalinkii fadiilatul Sheekh Xuseen Muuse

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...