November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Halkee iska shabahaan cunaqabataynta Ruushka iyo tan Somaliya saaran

Waxa Somaliya saaran cunaqabatayn in muddo ahba curyaamiyay meelo badan oo muhiima sida caafimaadka, inkastoo dadku u qabaan keliya inay tahay dhinaca hubka. Cunaqabatayntu maaha mid loo siman yahay waxaan ognahay in gobolada qaar laga soo dejiyo xitaa hubka sida dekedda Berbera iyo Boosaaso.

Ujeedadu waa curyaaminta dalka iyo nabada iyo xoojinta maamul jufeedyada si dawlada dhexe u difiicto, waxayna sidan soo ahayd muddo 30 sanno.



Waxa sanad walba cunaqabataynta dalka u cusboonaysiiya Ingiriiska oo laba wajiile ah lugna kula Jira kala qaybtinta dalka lugna kalana kula Jira inuu qaybtiisa ka helo kheyraadka dalkeena ayuu yiri Xuseen Warsame.




Sidoo kale waxa Ruushka saarnaa cunaqabatayno badan oo dhinacyo badan xitaa kahor hawl-galka hadda uu ka wado Yukrayn, inta badana waxay la eegan jireen meelaha uu ka liito sida sancooyinka qaar, dhinaca kalana labaduba waxay iska shabahaan sida reer galbeedku ula dhaqmaan siiba Maraykan iyo Ingiriis.

C /llaahi Warhaye

ARAABINEWS