X

Haween xornimo doona oo dhiigmiiratada Daalibaan qoryo ku garaaceen

Banaanbax balaaran oo maanta ay iskugu soo baxeen haweenka reer Afqaanistaan markii ugu ghoreysay intii Maraykanku dalka ku wareejay dhiigmiiratada Daalibaan ayaa ka dhacay Kaabuul.


Isku soo baxan ayaa imaanaya ayadoo dhiigmiiratadu dagaal ay ku qaadeen qowmiyada Tajiga ee dooxada Banjir. Wararka halkaa ka imaanaya ayaa sheegaya in dhiigmiiratadu ku garaaceen dooxada hubkii Maraykanku uga tagay.

Daalibaan oo taageero xoogan ka haysta Bakistaan iyo Carabta badankooda ayaa haweenkan la dhacay qoriga dabadiisa. Waxa saxaafada la hadashay haween xornimo doona oo dhiig ka da’ayo.


”Waa juhala aaminsan in haweenku bixi karin misana gaajo ku diley kumanaan haweena oo suuqwa ka xoogsan jirey laakiin hadda bixi karin ayuu yiri Xuseen Warsame.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.