X

Wasiirka koowaad ma lumiyay dhexnimadii arinta Ikraan Tahliil

Kadib hadalkii wasiirka koowaad uga hadlay arinta gabadha Ikraan Tahliil ee sirdoonku sheegay inay dileen dhiigmiiratada shabaab, waxa cad in dawladnimadii iyo nidaamkii laga gudbey oo hadda qabiil cad uu socdo.


”Way cadahay in hadalkii raiisal wasaaruhu aanu xal u keenin gabadha iyo qoyskeeda ee hadda uu iyaga ku raacay in la dulmay meeshana ka saaray in dhiigmiiratadu dishey ayuu yiri Cali Calasow.

”Waxaa kaloo ognahay inaanu haba yaraatee amar sidaasa farin dhalinyarada ay beeshiisu ku afduubtey Beledweyne inay 24 saac ku sii daayaan dadka aan waxba galabsan, marka  xaalku waa qabiil Maxamed Xuseen dhex ma noqon karo ayuu raaciyay.


Ayadoo aan sugeyno jawaabta madaxa sirdoonka sheekadu waxay ku socotaa in la helo dad dhex-dhexaada oo arintan gala meeshana laga saaro wasiirka koowaad Maxamed Xuseen Rooble oo lumiyay dhexnimadii.

Madaxa sirdoonku si toosa uma hor fadhiisan karo raiisal wasaare ka dhana oo la soo afuufay aanan aaminsanayna warka sirdoonka marka waa in ay timaado cid dhexdhexaada oo arintan gasha.


Ogow Maxamed Xuseen amniga doorashada keliya ayuu masuul ka yahay oo ah goobaha laga codeynayo ee maaha madaxa amniga qaranka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.