X

Musharixiinta ku qaraabta Hawiye oo si toosa ula saftey dhiigmiiratada shabaab

War ay ka soo saareen magaalada kooxda sheegata magaca musharixiinta Hawiye ay ku sheegeen inaan dhiigmiiratada shabaab dusha laga saari karin dilka ay u gaysteen haweenay ka tirsanayd. ” Xadgudub ay ku tahay argagixisada ayadoo la keenin cadaymo ayay ku sheegeen war saxaafadeed.


Waa musharixiintii ugu horeeyay oo si toosa u difaaca dhiigmiiratada shabaab oo kumanaan shacaba ku xasuuqay Muqdisho oo haddana kooxdani tiraa unukaa leh.

”Runtii waxa jira kiisas mudan in loo hadlo iyo dad danyara oo cadaalad u baahan laakiin kooxdan codka Hawiye keliya sugaysa qabyaaladoodu ma dhamaato miyaa ayuu yiri Cali Calasow oo Muqdisho ku sugan.


Waxay ka dalbadeen raiisal wasaaraha ayna hadda ku kalsoonayn inuu eryo nin ay weligoodba daba socdeen oo iyaga dhanba ka raayay misna shaqadiisa ka adag oo ah madaxa sirdoonka.


”Sumcadey ka dhinteen kuwani waxase ka daran xildhibaanada codka ku qasaarin doona ayuu raaciyay Cali Calasow

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.