X

Haweenay badeecad siisay caruurteeda oo la qabtey

Ciidanka amniga ee magaalada Muqdisho ayaa ku guulaystay inay qabtaan haweenay muuqaal ka soo duubtey labadeeda caruura oo ay siinayso badeecad. Falkan oo ku faafay baraha bulshada ayaa markii dambe laga saaray.


Labadan caruura ee sidaa loo ciqaabayo ayaa waxa aad uga xumaaday dhamaan bulshada Somaliyeed oo ku tilmaamay ficilada noocana kuwa ka fog diinta Islaamka, dalbadeyna in haweenaydaas degdeg loo soo helo.


”Waxa lagu guulaystey in la soo qabto haweenay labadeeda caruura siisay badeecad kadibna soo gelisay baraha bulshada ayuu yiri gudoomiyaha amniga ee gobolka Banaadir Cali Yare.



Waxaan u mahadnaqaynaa cidkasta oo ka shaqaysay in la soo sheego halka labada caruura ku noolyihiin iyo hooyadood ayuu raaciay Cali Yare. Ficilada noocana waa in la saaro ciqaab ku filan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.