Friday, April 19th, 2024
header










Meta







Haweenay Ingiriisa oo cudurka Ibola ka soo qaaday Siiraliyoon oo la sheegayo in xaalkeedu xunyahay

_80056843_79989668[1]London 05 Jan 2014–Haweenay kalkaaliso ah oo Ingiriisa oo cudurka halista ah ee Ibola ka soo qaaday dalkaasi Siiraliyoon ayaa xaalkeeda lagu tilmaamay mid meel xun maraya. Dhaqaatiirta daawaynaya kalkaalisada ayaa sheegay shalay in xaalkeedu sii xumaaday. Haweenayda ayaa lagu shubey dhiig nin hore uga badbaaday cudurka inkastoo daawo la siiyay isaga ay hadda dhamaatay.

Haweenaydan kalkaalisada ahayd ayaa diyaarad ka soo raacday caasimada dalka fiqiirka ah ee Siiraliyoon waxayna diyaaradu soo martay dalkaasi Marooko hadana waxay u soo duushey madaarka London ee Heathrow waxa hadda dawlada Ingiriisku sheegtay in ay la xiriirtey dhamaan dadkii la socdey diyaaradaas.

Ibola ayaan lahayn wax daawo waxana ilaa hadda la isticmaalaa daawooyin tijaabo ah oo aan la garanayn in ay shaqaynayaan inkastoo hal daawo ah oo shaqaysay ay hadda dhamaatay lana sugayo inta midkale la samaynayo.

Dawlada Ingiriiska ayaa lagu canaantey sida ay ilaa hadda u wado dadka looga shikisan yahay cudurka iyadoo lagu riixayo in ay takoorto dadka cudurka looga shikisan yahay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...