X

Haweenay ku dishey ninkeeda Hobyo oo aad loo hadal hayo

Waxa magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug aad looga hadal hayaa haweenay ninkeeda ku dishey. Ninkan haweenaydu dishey ayaa ahaa askari Ka tirsan ciidamada dawlada ee gobolkaas waxana lagu magacaabo jirey Cali Geeri.


Dilka ayaa dhacay maanta duhurnimadii kadib sida la sheegay khilaaf dhinaca qoyska ah oo soo Kala dhexgalay inkastoo an la sheegin nooca uu yahay ee sababi Kara in dil yimaado.


Haweenayda ayaa ninkeeda ku dishey Isla qori uu isagu lahaa oo yaalay guriga. Dilka kadib ayaa haweenayda oo San la sheegin magaceeda ay goobta Ka carartey, boiiska ayaa bilaabay in la raadiyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.