X

Turkiga oo war ka soo saaray macalimiin argagixisadu Muqdisho ku weerartay

Waxa maanta miino argagixisadu xirtey ku qaraxdey gaari nooca aan rasaasta yar Karin ah oo socdey magaalada Muqdisho gaar ayaan goobta mashquulka badan ee isgoyska Soobe. Isgoyskan ayaa argagixisadu hore ugu xasuuqdey dad Ka badan 600.


Qaraxaas ayaa waxa dhaawac khafiifa Ka soo gaaray sadex macalimiina oo u shaqeeya hay’adda Macruuf oo aduunka ku leh boqolaal dugsi oo lagu dhigo af-Turkiga, waxayna bedeshay hay’ad Ka horeysay oo Erduqaan eryay.


Hay’adda ayaa sheegay in aan cidi uga dhiman qaraxaas oo shaqaalihoo saarnaa iyo dirawalkiiba bad qabaan. Waxa la aaminsan yahay in miinada loogu dhejiyay gaariga.

Argagixisada u shaqaysa wahaabiyada Sucuudiga ayaa ku raacaysata dhiiga muslimiinta ay gaalaysay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.