10/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Haweenay lix maalmood ku hoos jirtey dhisme dumey oo nolol lagu soo saaray: SAWIRO

Haweeney nool ayaa laga soo saaray burburka dhisme soo dumay magaalada Nayrobi kadib lix maalmood oo ay ku hoos jirtey waxaana haweeneydan haatan lagu daweynayaa isbitaal ku yaal magaalada Nairobi.

Dhismahan oo dumay jimcihii aynu ka soo gudubnay kadib roobab xoog leh oo ka da’ay magaalada Nairobi ayaa waxaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen 36 ruux halka illaa iyo hadda la la’ yahay siddeetan ruux.

Milkiilayaasha dhismahan ayaa la sheegay in xabsiga loo taxaabay balse markii dambe lagu sii daayay damaanad.

Dadka ku howlan dadaalada lagu doonayo in lagu helo dad nool ayaa saaka waaberigii bilaabay inay haweeneydan ka soo saaraan burburka hoostiisa,waxayna qaadatay ka soo saaristeeda muddo saacado ah.

Haweeneydan ayaa hadlaysay markii laga soo saaray burburka waxaana la siinayay dheecaan mudadii la badbaadinayay.

Soo saarista haweeneydan ayaa niyada u dhistey dadka ka shaqeynaya muddo toddobaad ah raadinta dad nool oo ku hoos jira dhismaha dumay.

Ilmo saddex bilood jira ayaa talaadadii la soo dhaafay laga soo saaray burburka dhismaha hoostiisa hase yeeshee ilmaha hooyadii ayaa la helay iyadoo meyd ah.

Dowlada Hoose ee magaalada Nairobi ayaa hore u calaamadaysay dhismahan in la burburiyo kadib markii la ogaaday inuusan ahayn meel ku habboon in la dego.

Tirokoob hore loo sameeyay ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in kalabar guryaha ku yaal Nairobi ay yihiin kuwo duugoobay oo aan ku habooneyn in la dago ama lagu noolaado.

Kenya1

Kenya1-

Kenya2

Kenya3

Kenya4

Kenya5 (1)

Kenya7

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS