X

Haweenay maalmo la raadinayay oo aakhirkii musqul laga helay: NAXDIN

Aamina Maxamuud ayaa qoyskeedu muddo raadinayaayay ilaa markii dambe laga helay musqul ku taal aqal ka mida guryaha Baydhabo. Nasiib wanaag ninka diley ayaa hadda gacanta lagu dhigey.


Aamino Maxamuud ayaa la sheegay in ninka diley uu deyn ku lahaa kadibna uu maalin u yeeray asagoo u sheegaya inuu siinayo deynta ay ku lahayd. Waxa deyntii uu siinayay noqotey inuu dilo kadibna musqusha ku rido.


Ciidamada amniga oo helay bajaajtii ugu dambeysay ee qaaday ayaa ugu dambeyn haweenaydan ka helay musqushii uu ku riday. Dhacdadan laga anfariiray ayaa noqonaysa inta la ogyahay ugu horeysay ee noocana.



Ehelada ayaa dalbanaya inaan la kala reebin oo si degdega loo dilo gacan ku dhiiglahan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.