X

Haweenay maalqabaneena hadana dawarsata iyo sababta

Haweenay maalqabaneena hadana dawarsata dalkaasi Shiinaha ayaa dhawaan la ogaaday inay ahayd maal-qabeen howl-gab ah.

Haweenaydan 79-jir ah ayaa waqtigeeda ugu badan ku qaadata inay ka dawarsato goobaha ay ka baxaan   Tereenada iyo gawaadhida ee magaalo ku taal Shiinaha.

Haweenayda ayaa k asoo kacda Guri fiilo ah oo waliba shan Dabaq ah lehna dhowr bakhaar oo qaarkood kiro loogu jiro.


Warka haweeneydan ayaa qabsaday guud ahaanba dalka Shiinaha kaddib markii taliska sal-dhiga booliska goobaha Tareenadu itaagaan ay codbaahiyaha ku sheegeen farriin lala yaabay oo ah inaan lagu kadsoomin haweeneydan oo aan loo maleynin darbi-jiif. Waayo sida ay u muuqato uma aha mid sabool ah.


Layaabku wuxuu kasii daray markii wiilkeedu uu shaaciyay inay yihiin qoys nolol ahaan hodan ah oo hanti maguurto ah oo ka badan heysta – isaguna uu maareeye ka yahay mid kamid ah warshadaha qoyskoodu leeyahay.

Wuxuu sheegay in tiroba dhowr jeer uu hooyadii u sheegay inaanay dawarsanin. Balse way ku gacan-seydhay.


“Waan u sheegay in haddii aanay sumcadeeda ilaashaneyn – annagu aan ilaashaneyno,” ayuu yidhi. “Waxaan subax walba siiyaa cunno nafaqo leh, waxayse ku adkeysataa inay u baxdo dawarsi. In badan oo dadkan kamid ah way ka qanisan tahay. Waxayna leedahay keyd bangi oo lacageed.”

Balse taasi uma shaqeynin siduu rabay. Hadda shaqaalaha istaammada ayaa xaaladda soo fara-geliyay.


Sheekada haweeneydan ayaa dhalisay dood adag. Halka dadka qaar ay ku dhaleeceeyeen khiyaanada ay ku heysto dadka danyarta, qaar kale ayaa eedda dusha uga tuuray wiilkeeda – iyaga oo ku tilmaamay mid gabay inuu waqti fiican la qaato daryeelka hooyadii. Taasina ay ku xanbaartay inay bannaanka usoo dawarsato.


Wiilka ayaa iska diiday eedeymaha – isaga oo sheegay inaanay maan-gal aheyn waqti walba in indhaha lagu hayo waalidka maadaama uu shaqadiisa u degdegayo. Haweeneyda oo waraysi lala yeeshay ayaa sheegtay inaanay jecleyn inay kaligeed iska joogto guriga maalintii oo dhan.

Taas beddelkeedana ay ka doorbidayso inay dawarsato si lacagta ay ka hesho ay ugu kiraysato qof daryeela marka ay sii gabowdo. Balse kawaran lacagta tira badan oo wiilkeedu ku sheegay inay ugu jirto koontada bangiga?


admin:

This website uses cookies.