X

Haweenka gobolka Awdal oo si adag uga hadlay Samaroonkii loo adeegsaday celinta ugaaska

Haldoorka haweenka gobolka Awdal ayaa si adag uga hadlay fadeexadii ka dhacday gobolka kadib markii ugaaska loo adeegsaday oday dhaqameed iyo calooshood u shaqaysteyaal la hadhay gobolka muddo 30 sanno ah.



Haweenka gobolka ayaa sheegay in markii rasaas lagala hortagay ugaaska isla galabtiina Muuse Biixi waraaq uu soo saaray uu leeyahay waxa soo saartey maxkamadeyda kuna sheegayo in doorashada lagalayo.

”Waa nasiib daro heerka Gadabuursi kuwa sheegta inay u yihiin hogaan gaarsiiyeen Samaroon iyo ducfiga ay ku hayaan oo ay ugu dambeysay inay muunadii beesha oo laga aqoonsan yahay geeska rasaas dushiisa laga rido ayuu yiri Xuseen Warsame.



Haweenka haldoorka gobolka ayaa raaciyay maxaa u diidey hadday talo hayaan inay ugaaskooda ka wada tashadaan.

”Samaroon markuu duliga dulsaaran iska dul qaado ayuun buu horumar gaari karaa ee duliga haysta yayna beel kale dulsaarin ayuu raaciyay Xuseen Warsame

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.