X

Turkiga oo sheegay inay bilaabayaan hub tijaabin xilli Giriiga isku dhegan yihiin

Wasaarada difaaca ee Turkiga ayaa sheegtay inay hub tijaabin toosa bilaabi doonaan usbuuca soo socda, taas oo ka dhici doonta Woqooyiga Qubrus oo Turkigu maamulo laakiin Giriigu diidan yahay inay saliid ka baadhaan. Turkiga ayaa sheegay in sahaminta saliida ay socon doonto oo cidna joojin karin.


Giriiga ayaa dhinaciisa isna bilaabay tijaabinta hubka ayadoo ay la jiraan Faransiiska iyo Talyaaniga halka Turkigu xoojiyay marakiibta dagaal ee la socda markabka wax baadhaya.

Dhulka ay isku haystaan Turkiga iyo Giriiga ayaa ah badda u dhaxaysa labada wadan ee xigta jasiiradaha yaryar ee Qubrus iyo Kiriid. ”Waan ognahay inta aan xaq u leenay xadka badayada hal cidina kama tagayno ayuu yiri Erduqaan.


Hanjabaada labada dhinac ayaa waxa dejiyay Jarmalka oo u sheegay in ay tahay doqoniimo in xaaladu gaarto dagaal halka madaxweynaha Maraykankuna sheegay in arinta xal laga gaari doono.

Xiisada Turkiga iyo Giriiga ayaa sii korodhey markii Giriiga iyo Masar ay kala saxiixdeen heshiiska badda oo ayna ku jirin Turkigu.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.