Sunday, September 22nd, 2019
header

Haweenka Somalida ee ku barakacay dagaalada ismaamulka oo diidey qorshe lagu ilmo tirayo: WARBIXIN

Nimco waa haweenay Somali ah oo ka barakacdey dagaalada u dhexeeya Oromada iyo Somalida ee ay ka dambeeyeen Tigreega iyo maamulka Oromada oo rabay dhul balaarsi. Nimco ayaa hadda ku jirta xero qaxooti.

Waxa xeradaas timi hay’ad gaalo ah oo isku sheegta qaramada midoobey laakiin qorshaheedu yahay inay haweenka kala dagaalanto dhalmada. Daawoooyinka dhalmo joojinta ayaa laga qaadaa xanuuno badan.H



Hay’adan oo inta badan danahooda ay ku fushadaan gaaladu maadaama ay bixiyaan lacagaha lagu fulinaayo siyaasadaha gaarka ah sida in caadi laga dhigto KHANIISNIMADA ayaa xerooyinka gaysay daawooyin khatara oo ay ku jirto mida dhalmo goysta.

Nimco ayaa iyadu sheegtay in iyadu diidey inay qaadato daawooyinkaas oo loo sharaxay inta nooc ee ay kala yihiin oo kan ugu fudud uu yahay caaga ragga isticmaalo.



”Anaga dhibka na haysta maaha in aan dhalmo la dagaalano ee waa in deegaankayagii nolol ku helno taasna ma aragno cid wax ka qabanaysa ayay tiri Muxubo Maxamed oo iyadu haysata afar caruura kuna jirta xerada.

Waxa ku jirta haweenay iyadu raacdey talada gaalada oo diidey inay ilmo dambe dhasho oo ninkeedu furey, haddana haweenka kale ku dhiirigelinaysa inay sideeda sameeyaan.



Hay’adan oo lagu magacaabo UNFPA ayaa si khaasa u dhiirigelisa kobcinta fikradaha KHANIISIINTA ayagoo isticmaalaya erayga GENDER kana guuraya erayga saxda ah ee NIN IYO NAAG.

Waxay hay’adu lacag ka heshay Denmaak iyo safaarada Jabaan waxana lacagtaasi loo isticmaaley in lagu soo gado 14,400 qalab oo intuba yihiin kuwa dhalmada ka hortaga halka inyar oo indha sarcaada lagu soo gadey bustayaal.



”Markasta oo aan raashin doonano waxa nala weydiiyaa haye daawooyin ma rabtaan maka soo fikirteen ayay tiri Nimco. Shaki Kuma Jiro in qoysku kala koriyaan caruurta hadana dhaqankeena baadiyaha ayaaba ah in labadii sanoba mar la dhalo ayay tiri Muxubo Maxamed.

Taas oo Meesha ka saaraysa in daawooyin kale loo baahdo.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Itoobiya oo diidey fikir cusub oo ka yimi Masar ee dhanka biyo xidheenka

September, 21, 2019
Dawlada Itoobiya ayaa ku gacan saydhey fikir cusub ...

Waa sidee xaalada caafimaad ee fanaanada weyn ee Maryan Mursal

September, 21, 2019
Fanaanada weyn ee Maryan Mursal ayaa hadda ku ...

Jabhad Ka dilaacday gobolka Awdal oo la xaqiijay

September, 21, 2019
Gudoomiye xigeenka koowaad ee xisbiga Faysal Waraabe Qaasim ...

Madaxweynaha Somaliya oo saxiixay sharci muhiim u ah dalka

September, 21, 2019
Madaxweynaha Somaliya Maxamed Farmaajo ayaa qalinka ku duugey ...

Dawlada Somaliya oo xilli u qabatey looga cafiyo deymaha

September, 21, 2019
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale ...

Dhacdooyinka

Dawlada Yaman oo wacad ku martey inay garaacdo Abu-dabay

September, 19, 2019
Dawlada Yaman ee ay hogaanka u hayaan Xuutiyiinta ...

Muuse Biixi oo hooyooyinka u sheegay inay muruqa muujiyaan

September, 17, 2019
Horjoogaha maamulka Somaliland oo Burco Ka furtey garoob ...

Safaarada Somaliya ee Kiiniya oo beenisay war jirdila

September, 15, 2019
Safaarada Somaliya ku leedahay Kiiniya ayaa beenisay in ...

Fadhiga suuli dahab ka samaysan oo la xaday iyo qiimaha uu taagnaa

September, 14, 2019
Fadhiga Musqul dahab Ka samaysan oo uu farsameeyay ...

Diyaarad bad ku dul socota iyo baylood bun ka daatey maxaa dhacay kadib?

September, 13, 2019
Diyaarad rakaab badan sida ayaa Ka soo duushey ...

Haad markii ugu horeysay ilmo yar ku cuney ismaamulka Somali Galbeed

September, 10, 2019
Haad ama galaydh kolba sida Somalidu u taqaano ...

Gabdho maqaayad ku leh Burco oo qarka u saaran inay ka guuraan magaalada: WARBIXIN

September, 7, 2019
Dhawaan ayay ahayd markii maqaayada Warsan ee magaalada ...