Muqdisho–Haweenka Somaliyeed oo markii ugu horeysay loo dhiibi doono garsoorka dalka oo ay inta badan ka maqan yihiin sidaa waxa sheegay xeer ilaaliyaha guud ee dalka Axmed Cali Dahir. Haweenka Somaliyeed ayaa inta badan maqan qaybaha garsoorka.
“Waxaa idin balan qaadayaa anigoo la kaasnahaya inta kale oo ay talada naga dhaxeyso in haweenka Soomaaliyeed ay door ku yeelan doonaan garsoorka dalka oo ay ka qeyb geli doonaan”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
“Waxaa dhowaan arki doontaan gabdho Soomaaliyeed oo xeer Ilaaliyaal ah oo u taagan inay xuquuqda haweenka difaacaan, gobolada ayay ka shaqeynayaan, waxaa sameynay Waax gaar u ah arrimaha haweenka iyo tacadiyada loo geysto, cida sharciga horgeyneysa waa dumar”ayuu mar kale yiri Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
C/llaahi WArmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay