X

Turkiga oo sheegay in Ruushku ka caawinayo garoonka hawada ee Somaliya

Turkiga ayaa si xawliya ugu dadaalaya inay hawada u diraan gantaal iyagu leeyihiin oo ay u faaiideystaan arimo badan oo la xiriira is gaarsiinta iyo weliba dhinaca milatariga. Ujeedada weyn ayaa ah inay hawada ka samaystaan saldhig la mida kan Shiinaha dhamaystirayo iyo kan hadda loo yaqaano saldhiga caalamiga ah ee hawada.


Ruushka oo ka mida wadamada ugu horeeya dhinaca hawada ayaa iyagu sheegay inayna ka sii mid ahaan doonin midka caalamiga ah ee ay kuwada jiraan iyaga iyo Maraykanka iyo 14 wadan oo kale oo u badan Yurub.

Turkiga oo raba inuu la mid noqdo wadamada Maraykanka, Ruushka iyo Shiinuhu oo iyagu leh isgaarsiinta caalamka oo dhan laga arkayo ee loo yaqaan GPS, ee haga khariidada iyo wadooyinka, aya u baahan saldhig dhulka ah oo ka diraan gantaalada.


”Waxa xiriir wanaagsan naga dhexeeyaa Ruushka waxaana ay nagala shaqayn doonaan sidii aan u dhisi lahayn garon dhulka ah oo ay ku soo degaan dayax gacmeedada ayuu yiri waaxda diyaarinta gantaalada.

Somaliya waa dal ay isku halayn karto Turkigu oo garoonka hawada uuna muran geli karin.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.