X

Hay’ada booliiska aduunka oo diidey inay soo xirto xagjir Taram

Hay’adda booliiska aduunka ee loo yaqaan Interpol ayaa diidey inay soo qabato rag uu ku jiro xagjir Taram oo galay dembiyo badan oo ka dhana bani aadamka sida dilal qorsheysan.


Iiraan ayaa u gudbisay liisto ka kooban 36 qof oo uu ugu sareeyo xagjir Taram oo isagu amrey in la dilo sarkaalkii sirdoonka Iiraan ee Sulaymaani sanadkan horaantiisii.

Inkastoo Iiraan ka aargudatey haddana waxay cadowga sii wargelisay xilliga weerarku dhacayo iyo halka uu ku dhacayo. Sida aargudashadu u dhacdey waxa ka naxay Taram iyo kooxdiisa.


Interpol ayaa sheegtay in sharcigeedu u ogoleyn inay farogeliso arimaha gudaha ee dalalka sida siyaasada, diinta iyo wixii la halmaala ee ay shaqo ku leedahay arimaha dawladaha wax u dhimaya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.