12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Hay’ada ICRC oo war ka soo saartey haweenay looga afduubtey Muqdisho

Hay’ada caalamiga ah ee bisha cas loona soo gaabiyo ICRC ayaa war ka soo saartey haweenay ka mida shaqaallahooda oo lagu afduubey Muqdisho. Ilaa hadda lama yaqaan cida afduubtey haweenaydan oo xalay guri ay deganayd loo dhacay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shirqoolkan uu fuliyay nin ka mida shaqaalaha hay’adda.




Haweenaydan ayay hay’adu sheegtay inay caawin jirtey dadka liita ee daadsan Muqdisho ama wax ku noqdey dagaaladii argagixisada iyo ciidamada Somalida.

Hay’adan oo fadhigeedu yahay Jinifa ayaa war kooban ku xaqiijisay afduubka, sheegtayna inayna hadayna bixin Karin faahfaahin dheeraada, kuna baaqdey in shuruud la’aan lagu sii daayo.




Dhaqanada Somalida ayaa ahaan jirey in dadka diintu mamnuucdey in la waxyeeleeyo in laga fogaado, hadase maangaabyadu ka dhigteen caado.

Waxay sheegeen inay aad uga xun yihiin afduubka shaqaale iyaga ka mida. Waxayna ku dareen In haweenaydaasi ahayd kalkaaliso.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in la hayo magaca ninka afduubey oo ahaa ilaalada hay’ada iyo haweenayda oo u dhalatey Jarmalka.

Waxa kale oo la xaqiijay in gaarigii lagu afduubey la helay oo la keenay xarunta dambi baarista laakiin lagu dabajiro halka haweenayda loo kaxaystey.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS