X

Hay’ada sirdoonka oo ogaatey in gabadh ka tirsanayd ay dileen dhiigmiiratada shabaab

Waxa muddo laba bilooda la waysanaa gabadh ka tirsanayd hay’adda sirdoonka qaranka ee afka qalaad loogu soo gaabiyo NISA. Ikraan Tahliil ayaa muuqaalkii ugu dambeeyay ee hay’adu soo bandhigtey lagu arkay iyadoo fuulaysa gaadhi.


Hooyadeed iyo kuwa siyaasad ahaan u neceb madaxweynaha iyo madaxa sirdoonka ugu eedayn jirey inay iyagu haystaan. Mana keenin haba yaraatee wax cadayna waxayna isku dayeen uurkacsi qabiil inay wax ku raadsadaan.

”Hadda oo loo sheegay in dhiigmiiratadu dishey tolow maxay samayn karaan aan aamus iyo oohin ahayn ayuu yiri Cali Calasow. Awrkacsi qabiil ma wadi karaan waa maya ayuu raaciyay.


Hay’adda ayaa sheegtay inay ku dabajirto dhigmiiratada dishey ayna isku dayayso inay soo qabato. ”Waxaan wargelinay arintan qoyska Ikraan Tahliil ayay sheegtay hay’addu.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.