X

Hay’adda isku xirka bulshada ee Turkiga iyo mashruucyada ay Somaliya ka fuliso

Hay’adda isku xirka bulshada ee Turkiga ee loo soo gaabiyo TIKA ayaa Ku faantey mashruicyo ay Somaliya Ka fuliso qaasatan caasimadda oo ay sheegtay inay abuureen shaqooyin farabadan.


Hadaba maxaa Ka mida mashruucyada ay Ku faantey iyo dadka Somaliyeed ee shaqada Ka helay. Maamulaha hay’adda oo Muqdisho jooga ayaa sheegay mashruucyada ilaa hadda ay fuliyeen.

Dugsiga beeraha

Wuxuu yiri Qaalib Yilmas waxaan furney dugsi casriya oo lagu barto noocii ugu dambeeyay, waxana dhigta ilaa 400 oo ardey oo Ka Kala yimi dhamaan dalka oo dhan.


Isbitaalka Erduqaan

Waxay kale oo hay’adu dhimatey isbitaalka Erduqaan oo laga dhisay dhismihii hore ee isbitaal digfeer oo Ka mid ahaan jirey isbitaalada ugu casrisan Afrika. Inkastoo Qaalib Ku sheegay casri haddana qaliinada qaar lagama fuliyo iyo xaaladaha kale ee caafimaad.

Mashruucyada wadooyinka iyo biyaha

Waxaan fulinay ayuu yiri mashruucyada wadooyinka oo hadda dhib laguma qabo wadooyon badan oo ganacsigu awal xirnaa.

Dhinaca biyaha waxaan qodney ilaa 25 ceel oo aan Ka qodney gobolada Woqooyi iyo 20 aan Ka samayney Koofurta dalka.


Agoomaha

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in mashruucyadu badan yihiin sida samaynta xarumo gaaraya ilaa 30 oo loogu talogalay xanaaneynta agoomaha ayuu yiri.

Hay’adda Turkiga ayaa ah tan ugu balaadhan ee dalka Ka qabatey waxtar dadku Ku faani karaan oo si daacada loogu Hagar baxay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.