X

Raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo ka hadley ujeedada safarkiisa Maraykanka

Rasiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadley ujeedada safar uu ugu baxay Maraykanka. Raiisal wasaare Xasan ayaa socdaalkiisu la xiriiraa guulaha socda ee laga gaarayo deyn cafinta.


Mudane Xasan cali Khayre ayaa sidoo kale inta uu joogo Washington waxa uu kulamo la yeelanayaa madaxda Bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta adduunka oo hadda dawladu la shaqayso.

Dawladda Soomaaliya oo ay ka go’antahay ka guul gaaridda qorshaha deynta looga cafinayo dalka ayaa horay ugu guuleysatay shuruudihii ku xirnaa sedaxdii waji ee ugu horreeyay, waxaana hadda si wanaagsan ku socda wajiga afaradaad.


Dawlada hadda jirta ayaa lagu amaanaa geedi socod dhaqaale oo meel u saaran inkastoo la mijaxaabinayo ilaa iyo markii la doorteyba.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.