X

Xuseen Shire iyo Farxiya Kabayare maxay ka yiraaheen hadalkii Maxamed BK

Kadib hadalkii shalay ay Somalida dhan aad uga xumaadeen ee Maxamed BK ku yiri ictiraafa Somalilaan qarax dambe idinku dhici maayo ayaa fanaanka Xuseen Shire jawaab ka bixiyay dhinacna Ka ah caqli celin.


“Hadal waqtigiisa la joogo maaha waana mid aad looga xumaado oo ku kooban shaqsiyadiisa iyo caqligiisa ayuu yiri Xuseen Ciyaarjecel.

Hoos Ka daawo


Farxiya Kabayare maxay Ka tiri nacaybka uu u qabo dadka Koofurta siiba Muqdisho.



Fanaanada oo jawaab kooban Ka bixisay ayaa tiri. Hadalkii bk ee baraha bulshada qabsaday hadaan wax ka dhoho horto wuu tacsiyeey tacsidaas in uu ku ekaado ayaa u qurux badneeyd hadal kale oo xanaf leh oo xumaantiisa wato ayuu daba dhigay intii xanafta leheeyd ayaana lasoo jaray oo naloo soo hor mariyay hadaba bk mid ayaan ku leeyahay kala baro waqtiyada aad ka hadli karto qadiyad iyo siyaasad waqtiyo waxaa jira umada soomaaliyeed oo dhan ay isku damqato oo ay murugo uwada taalo waqtiyo aan lakala harin ayaa jira marka kala baro waqtiyada aad suuqa ku shidan karto somaliland ayaan jeclahay iyo muqdisho ayaan necbahay hadii aad reer muqdisho necebtahay oo aadan ka naxeeynin adigu shaqsi ayaad tahay.


Waxaana kaa badan walaalaheena faraha badan ee reer somaliland oo had iyo jeer noo damqada nalana ooya marka waxaad tahayba waxaan ku iloobeeynaa walaalaheena reer somaliland ee nagawada raali galinaayo qaladaadkaaga faraha badana naga raali galiyo had iyo jeer marka anagaa somaliland jecel waxa ay galaan iyo waxa ay gudaana og Canaan iyo cambaareeyna reer somaliland ayaa kuugu filaan waana uga mahad celineeynaa.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.