X

Hogaamiyaha Iiraan oo dalbaday in Sucuudigu raali gelin ka bixiyo dhacdadii xajka: arin dhayal ku tageysa maaha

Hogaamiyaha IIraan ayaa dhiiga ku kariyay Sucuudi Carabiya oo xajka sanadkan ay ku dhinteen dad gaaraya 769 qof oo u badan dalkaasi Iiraan. Aayatullah Khumanee ayaa sheegay intii Sucuudigu leeyahay kan iyo keer haka raaligeliyo dadkii ku dhintey xajka oo ay iyagu ka masuul ahaan. Ha qirtaan masuuliyada.

Wasiirka arimaha dibedda Sucuudiga oo jooga New York ayaa isna u jawaabay oo sheegay in arintan laga dhigin siyaasad. Iiraan ayaa ka carootey sida qaab darada ee ay dadku ugu dhinteen meesha waxayna xaq u leeyihiin in Sucuudigu qaato masuuliyada intii uu cidkale eedayn lahaa.

Arintan ayaa la garanayn halka ay ku dambeyn doonto waxase iskugu darsantey Iiraaniyiinta Sucuudiga kibirsan oo laynaya masaakiinta Xuutiyiinta iyo dad aad u farabadan oo ku dhintey xajka hadana cidkale ay ku eedaynayaan.S

Sucuudiga ayaa baqdin awgeed isku dhiibey Maraykanka oo hadda taageersan dagaalka uu ku xasuuqayo Xuutiyiinta iyo Yaman guud ahaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.