X

Hooyo ilma ay dhashay kaga tagtey isbitaal ku yaal Muqdisho

Hooyo ilma ay dhashay kaga tagtey isbitaal ku yaal Muqdisho. Hooyo magaceeda lagu sheegay Xamdi Xasan Macalin ayaa Isbitaalka Wardi ee degmada Xamar Jajab kaga dhex tagtay ilmaha yar kana dhuumatey.


Sawirro laga soo qaaday wiilkan yar ayaa muujinaya isaga oo lagu xanaaneynayo qeybta caruurta ee isbitaalka, waxaana wiilkan loo bixiyay Maxamed.

Dr. Maxamed Aadan oo ka mid ah dhaqaatiirta isbitaalka ayaa wuxuu sheegay markii hooyada ay dhashay ilmaha, gargaar deg deg ahna loo sameeyay ay xilli saq dhexe ah isbitaalka kaga dhuumatay.


Hooyo Xaawo oo ka mid ah hawlwadeenada Isbitaalka Wardi ayaa sheegtay inay kafaalo qaadeyso haysmada wiilkaasi yar ee Hooyadiis Isbitaalka kaga dhex dhuumatay.

Dhacdooyinka noocana ayaan badneyn ilaa haddana lama garan karo sababta hooyadan lasheegay magaceeda ay uga tagyey ilmaheeda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.