Hooyada ayaa la shegay in ay dhowr jeer u tagtey kooxaha guryaha siiya dumarka dhibka ku nool waxase la sheegay markii dambe inay ku noqotey guriga ninkeeda oo ay markii hore uga soo tagtey tacadiyo uu ku hayay hadana uu ku xasuuqay.
Booliisku ma sheegin in ninku yahay Somali waxayna ka shikinsan yihiin inuu yahay kan iska tuurey biriijka kadib markuu xasuuqay hooyada iyo labada caruura.
Hooyada iyo labadeeda caruura ayaa dagaalamay kadib inta aanu dilin waxana la sheegayaa in wiilka weyni dagaalamay si uu u difaaco hooyadii.
Bulshada ay dugsiga wada dhiganayeen oo isugu jira Muslim iyo dad aan Muslim ahaynba ayaa si xun uga naxay dilkan foosha xun ee lagula kacay hooyo iyo labadeeda caruura.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM