X

Hooyo misbaar madaxa laga geliyay si ay wiil u dhasho dalkaasi Bakistaan

Dhacdadan laga anfariiray ayaa ka dhacday gobolka Woqooyi galbeed ee dalkaasi aadka u fiqiirka ah ee Bakistaan ee sida xun u gumeysta dumarka. Waa dal aad looga jecel yahay wiilasha waxaan dhacda in hooyadu khatar ku gasho hadday dhasho gabdho badan.


Hooyadan oo hore u dhashay sadex gabdhood ayaa ka cabsatay in uurka ay hadda leedahay uu noqdo gabadh kale, waxayna u tagtey qolooyonka ku shaqaysta khuraafaadka, halkaas oo ay misbaar madaxa uga soo taageen, ayagoo oo ku leh waxay xaqiijinaysaa inaad wiil dhalayso.


Dadkan oo Muslimiina ayaa haddaba waxa Ku badan khuraafaadka oo aad marka qaar is oranayso ma Hindi sanam caabudaa ayuu qabaa Xuseen Warsane.


Hooyadan oo rafaadsan oo qayb ahaan iska soo jiiday misbaarka ayaa loola cararay dhakhtar si looga saaro misbaarka, waxaan lagu guulaystey in laga soo jiido. “Wax yar ayay Ku sigatey ayuu yiri dhakhtar u hadlay isbitaalka.



Misbaarka ayaa la sheegay inuu gaari gaaray maskaxda taas oo halis helin lahayd nafteeda. Masuuliyiinta gobolka ayaa sheegay inay ku raad joogaan hooyadan dhiban oo hadda sida gabadh kale, si ay u qabtaan khuraafaadlaha sidan u galay.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.