X

Kiiniya oo mar labaad jebisay xayiraada Kismaayo

Diyaarad watey xildhibaano Kiiniyaati ah markey rabaana yiraaha waxaa nahay Somali ayaa diyaarad ka soo raacay Nayroobi si toos ahna uga soo degay Kismaayo. Xildhibaanadan ayaa u maleeya in imaatinooda siinayo ixtiraaf.


Axmed Madoobe ayaa raba inuu is caleemo saaro wuxuuna dabada ku hayaa Kiiniya oo hadda iyadu soo dirtey weftigan jebiyay amarka dawlada. Somaliya ayaa awooda inay dhulka soo dhigto diyaaradaha maraya hawada mase rabto inay heerkaa gaarto.


Si kastaba ha ahaatee waxba ma soo kordhinayso haddii boqol siyaasiina u tagaan Axmed Madoobe oo isku ag sawiraan. Waxayse madal u noqonaysaa siyaasiin fashilmey inay bacaac ka soo yiraahaan Kismaayo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.