X

Hooyo Somaliyeed oo Turkiga jeclayd oo ka qoomamaysay

Waxa dhawaan Turkiga lagu xidhey ganacsato Somaliyeed oo sida la sheegay jidh-dil loogu daray. Haddaba hooyo Somaliyeed ayaa ku jirtey dadka la xidhey kadibna la jidh-diley. ”Dad ka xushmo daran weligay ma arag ayay tiri.


Somalida ayaa isa siisay Turkiga ayagoo ka dhiganaya dalkoodii labaad laakiin ma oga in dadkaan ayna isku dhaqan ahayn. Hooyadan oo aan ka waramin sida loo qabtey iyo sida loo jirdiley ayaa ka warantey akhlaaqad xumada askarta booliiska.


”Waxa la ii jirdiley si aanan ka filayn dawlad aad is odhan karto waxay ogtahay qawaaniinta weliba sheeganaysa inay matasho ama u doodo Muslimliinta ayaasy tiri hooyadan hadda aadka u neceb Turkiga.


”Somali dalkeeda aamini wayday oo iyadii iskala qaadaysa in meelkasta lagu ciqaabo waa gar ayuu qabaa Cali Calasow. Si kastaba ha ahaatee waxa muhiima in maalgeshigaaga aad la aado dalkaaga hooyo si kastaba ha u xumaadee.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.