11/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Horjoge Muuse Biixi oo markale eryay saxafiyad ka shaqayn jirtey telefishankiisa

Nimco C/wahaab Shirdoon laga yaabe inaydaan weligiin maqal laakiin waxay ahayd wariye muddo dheer ka shaqayn jirtey telefishanka Muuse Biixi ee magaalada Hargeysa. ”Waxa la i soo wacay mardhow oo la ii sheegay in shaqadii layga joojiyay ayay tiri Nimco.



”Waxa laygu qabsaday sawirka gudoomiyaha golaha wakiilada oo aan soo dhigey baraha bulshada siiba faysbuug ayay tiri Nimco. Sawirkii iyo magacaygii oo isla socda, ayaa la keenay iyadoo laygu hanjabayo oo laygu ganaaxayo in aan shaqada meel kaga dhacay, agaasimaha guud ayaa ii yeedhay, kadibna wuxuu iigu hanjabay ‘ma ogtahay faysbuugaaga waxan aad soo dhigaysa in uu yahay khalad xeerna uu ku qabanayo”.




“Xalay waxa ila soo hadlay madaxa waaxdii aan hoostagayay, oo igu yidhi ‘Nimcoy madaxdii iga saraysay waxay ii sheegeen in shaqadii lagaa joojiyo’ “. Maaha qofkii ugu horeeyay ee horjooge Muuse Biixi qaniino bilaa xuquuqna la diro.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS