X

Horjooge Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo naftu baday inay Xamar tagaan

War ay soo saareen horjoogeyaasha ka baqay inay doodooda ka sheegtaan shirkii Samareeb ee doorashada ayaa hadda leh waxaan u soconaa Muqdisho. ”Waxaan telfoon kuwada hadalney madaxda dawlada dhexe waxanan u soconaa Muqdisho ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen.


Labadan horjooge ayaan sheegin waxa loo balan qaaday ee ay ku tagayaan Muqdisho. Go’aankii ka soo baxay shirkii Samareen ayaan welli la horgeyn barlamaanka si ay u ansixiyaan, oo xataa ay dhici karto inay diidaan.

Si kastaba ha ahaatee waxa soo yaraadey taageerada ay ka haystaan kuwa ka dambeeya oo hadda dareensan inauy hog ku dhaceen maagaama doorashada la wada qaatey. Kiiniya ayaa dareensan in Axmed Madoobe qaldamay haddase ay tahay inay saxdo.


Halka Siciid Deni oo inta badan geesinimo mooda mucaaradnimada dawlada iyo Soomaaliba uu ka naxay hadalkii safiirka Maraykanka oo ku sheegay qaswadeyaal.

Tegida Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaan waxba ku soo kordhin karin doorashada go’aan laga gaadhey.

C/llahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.